Buy Now! Documentation

Break News

WARARKA SUUQA CIYARTOYDA :Dier, Sancho, Tomori, Phillips, Aguerd, Olise, Dragusin, Martial


Bayern Munich ayaa wadahadalo kula jirta daafaca Tottenham iyo xulka England Eric Dier, oo 29 jir ah, kaasoo ka mid ah dhowr dooqyada daafaca dhexe. 

 

Manchester United ayaa bixin doonta inta badan mushaharka Jadon Sancho hadii 23 jirka garabka uga ciyaara England uu amaah ugu laabto Borussia Dortmund. 

 

Arsenal ayaa muujisay xiisaha ay u qabto saxiixa daafaca dhexe ee kooxda AC Milan iyo xulka qaranka England ee Fikayo Tomori oo 26 jir ah.

 

Juventus ayaa isaga baxday tartanka loogu jiro saxiixa 28 jirka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Manchester City iyo xulka qaranka England ee Kalvin Phillips kaas oo ay sidoo kale doonayso kooxda Newcastle United. 

 

West Ham ayaa u furan inay iska iibiso 27 sanno jirka daafaca uga ciyaara Morocco Nayef Aguerd bishaan, haddii tababare David Moyes uu helo bedelka ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga. 

 

Roma iyo AC Milan ayaa u dhaqaaqay saxiixa Aguerd, kaasoo Hammers ay ku qiimeysay 30 milyan ginni. 

 

Crystal Palace iyo ciyaaryahankii hore ee France ee 21 jirada Michael Olise, oo 22 jir ah, waxaa si dhow isha ugu haya Liverpool, Chelsea iyo Manchester City.


Kooxda reer Spain ee Villarreal ayaa dib u soo cusboonaysiisay xiisaha ay u qabto 22 jirka garabka uga ciyaara Manchester United ee Facundo Pellistri, iyadoo tababaraha Red Devils Erik ten Hag uu doonayo inuu u ogolaado xiddiga reer Uruguay. 

 

 

Tottenham ayaa tartan kala kulmi doonta Napoli si ay ula soo saxiixato daafaca reer Romania iyo nadiga Genoa ee Radu Dragusin oo 21 jir ah.

 

Spurs ayaa ka dhigi doonta daafaca Ingariiska Djed Spence, 23, diyaar u ah suuqa kala iibsiga ka dib markii Leeds United ay soo gaabisay amaahdii uu ku joogay 

 

Kooxda Turkiga ee Fenerbahce ayaa isha ku haysa saxiixa weeraryahanka Manchester United iyo France Anthony Martial, oo 28 jir ah. 


Brighton waxa ay hawl galisay $10m (£7.9m) oo lagu burburin karo qandaraaska Boca Juniors iyo daafaca 20 jirada Argentina Valentin Barco, 19, kaas oo sidoo kale lala xiriirinayo Manchester City, Liverpool, Chelsea iyo Real Madrid. 

 

Aston Villa iyo Brighton ayaa xiiseynaya 22 jirka garabka uga ciyaara Leeds United Crysencio Summerville. 

 

Tababaraha kooxda Roma Jose Mourinho ayaa beeniyay inuu xiriir la sameeyay xiriirka kubada cagta Brazil si uu u qabto shaqada xulka qaranka Julaay 2024. 

 

Nottingham Forest ayaa xiiseyneysa Wolverhampton Wanderers iyo goolhayaha Portugal Jose Sa, oo 30 jir ah.

 

Celtic iyo Rangers ayaa labaduba isha ku haya Nottingham Forest iyo daafaca Scotland Scott McKenna, oo 27 jir ah. 

 

Brentford ayaa qarka u saaran inay la soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Turkiga Yunus Emre Konak, oo 17 jir ah, kana tirsan kooxda Turkish Super Lig ee Sivasspor.

 

Sevilla ayaa si rasmi ah ula xiriirtay Chelsea 21 jirka reer Ivory Coast ee David Datro Fofana si uu isla markiiba ugu biiro heshiis amaah ah.


0 Comments